Ka taxadar caafimaadkaaga adoo sameynaya baaritaanada lagu jeegareeyo kansarka – waxay badbaadin karaan naftaada.
Haddii aad jirto 50 – 74 sanno:
- Dumarka iyo Ragga: samee qalabka baaritaanka xiidmaha ee bilaashka ah ee laguu soo direy. Waa fudud yahay, nadaafad leh oo si dhakhso ah loo sameyn karo.

- Dumarka: ballanso baaritaanka naaska oo bilaash ah adoo soo wacaya 131 450 adoo weydiisanaya ‘BreastScreen Victoria’.
Haddii aad tahay qof dumar ah oo jirta 25 ilaa 74 sanno: ka sameyso ballanta Baaritaanka Jeegareynta qaybta hoose ee Ilmo galeenka kalkaalisada ama dakhtarka.
Fadlan u samee baaritaanadaan nafsadaada iyo ta qoyskaaga si aad amaan iyo caafimaad u hesho.
Wixii macluumaad dheeraad ah ee luuqadaada ah, wac 13 14 50 oo weydiiso ‘Cancer Council Victoria’ (‘Golaha Kansarka ee Victoria’).
English equivalent