Af-Soomaali (Somali)

Macluumaadka kansarka iyo kaalmada dadka ku hadla Soomaaliga 

Kansarku waa ku adag yahay adiga iyo qoyskaaga, laakiin kelidaa maahid. Waxaan halkan u joognaa in aan ku taageerno. 

Qof kasta ayaa nagala soo xiriiri kara su’aallo ku saabsan kansarka, ka hortagga, daaweynta iyo adeegyada kaalmada, kuwaas oo uu ku jiro qoyska, saaxiibada, iyo daryeelayaasha. 

Cancer Council Victoria waxay leeyihiin adeegyo badan oo lacag la’aan adeegyada Kaalmada  oo ah inay ku caawimaan.  Waxaanu kaloo kaa caawin karaa adeegyada kale ee  kaalmaynta meel kasta oo ku taalla Fiktooriya oo kugu haboon. Dhib maahaa haddii aadan aqoon adeegyada la heli karo, waxaan soo jeedin karaa waxyaalla ku caawimaya. 

Waxaan kaa caawin karaa:  

Macluumaad Soomaali ah 

Waxaad akhriyi kartaa ama dhegaysan kartaa tarjumadaha bulshooyinka badankood oo websaytkayaga iyada oo la isticmaalayo aallada la heli karo ee dhinaca kore midigta ee bogga adigoo dooranaya luqadaada. Toolbar-ku wuxuu caawin karaa dadka qaba dhibaato arag ama maqal iinta wax barashada.  

Waxaan sidoo kale haynaa tarjumaado ay turjumeen turjumaano ay NAATI ansixisay iyo kuwa badan oo macluumaadkayaga ah shaxda hoose.  

Nagala xiriir Soomaali 

Nagula soo xiriir adigoo 

  • fariimo noogu soo diraya warbaahinta bulshada   

  • Adoo noogu soo diraya email 

  • na soo wacaya. 

Qof kasta ayaa nala soo xiriiri kara , kuwaas oo ay ku jiraan saaxiibo iyo xubnaha qoyska. Waa lacag la’aan waana qarsoodi. 

Wac 13 11 20 si aad ugu hadasho Ingiriis. 

Wac 13 14 50 si aad noogula hadasho Soomaali adiga oo isticmaalaya turjubaan.   

Markaad wacdo, sheeg luqadaad ku hadasho, ka dibna weydiiso mutarjum in lagugu xiro Cancer Council tel: 13 11 20.  

Kuma siin karno talo caafimaad oo shakhsiyeed. 

Macluumaadka Kansarka iyo warbixinada  (Cancer Information and Resources)

Macluumaadka soo socda ayaa la tarjumay waxaana tarjumay dad ay aqoonsan yihiin tarjumayaasha NAATI. Fadlan dareen xornimo si aad  ula wadaagto linkigaan saaxiibadaa iyo qoyska. 

Macluumaadka aad raadinayso halkan lagama hello, fadlan nagala xiriir wixii caawima ah. 

Waxaad kaloo kala soo bixi kartaa macluumaadka isaga oo luqad la sahlay ama Easy Read. Kuwaani waxay ku haboon yihiin dadka leh iinta, dadka waaweyn ama dadka leh baahiyaha kaalmada luuqada. 

Af-Soomaali

English equivalents

La hadal dhaqtarkaaga, noloshaada ayey badbaadin kartaaye Ask your doctor for a hepatitis B test